Boqor Cabdi Axmed Cali oo ka mid ah Waxgaradka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Madaxweynaha in uu qaato soo jeedinta ku aadan in uu is casilo.
Isagoo ka hadlayay Boqorku arrimaha ay ku fashilantay dowladda Xasan Sheekh ayuu ka carabaabay in arrimaha Amniga iyo Dhismaha
Maamulada ay ku guul dareysatay dowladda Xasan Sheekh.
“ Ma loo baahna in iminka uu muran iyo Is jiid Jiid noqdo arrinku waayo meesha waxa taallo in dowladdu ay guul dareysatay mid ka haboon ayaa la raadinayaa oo wax qabad leh” ayuu yiri Boqor Cabdi Axmed Cali.
Maalmihii dambe ayaa waxaa si aad ah isu soo tarayay Baaqyada ku aadan in Madaxweynaha uu xilka isaga dago Maadaama Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ay sheegeen in uu dalka horay ugu dhaqaajin waayay.




