Dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti oo Heshiis kala saxiixday

0
510

Dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti ayaa heshiis kala saxiixday iyadoona heshiiskaasi uu ogolaanayo Mareykanka in Xarun Milatari ay ka howlgalaan Ciidamo gaar ah iyo Diyaaradaha Droneska ay ka samaysto dalka Magaalada Jabuuti .

Maraykanka ayaa taasi badalkeeda bixin doona $63Million Sanad kasta taasi oo loo siin doono Dowlada Jabuuti kira ahaan islamarkaana laga qaadayo Mareykanka Xarunta Milatari ee Jabuuti uu ka sameysatay.

Madaxweynaha Marayaknaka Brack Obama iyo dhigiisa Jabuuti Ismaciil Cumar geele aya heshiiskan qalinka ku duugay kadib kulamo ay ku wada qateen aqalka Cad ee Maraykanka, iyagoo sidioo kale isku afgartay In dowlada jabuuti iyo Maraykanka ay iska kashadaan la dagaalanka Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta..

Heshiiskan cusub ee Maraykanka uu la saxiiday Dowlada Jabuuti ayaa horseedi doona in ay korarto kirada Maraykanka uu ku bixiyo saldhigiisa “Camp Lemonnier ee dalka jabuuti oo horay u ahayd $38Million.

“Camp Lemonnier si aqliga ka baxsan ayuu muhiim inoogu yahay iskadaa anagee waxa uu muhiim u yahay geeska Africa oo dhan, aadbaana ugu riyaaqsanahay martiqaadka ay dolwada Jabuuti nasiisay ayuu Madaxweyne Obama.

Dalka Jabuuti ayaa Fariisimo Militari waxaa ku leh Dowladdaha Mareykanka iyo Faranciiska si ay ugu soo Duulaan Xarumahaasi islamarkaan ay Weerar dhanka Cirka oo ka dhan ah Argagixisada ka Dagaalanta Somalia, Yemen iyo Bariga Dhexe u fuliyaan.

Ugu dambeyn Heshiiskan ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo dhawaan Wafdi uu hogaaminayio Madaxweynaha Jabuuti ay kula kula qaateen Madaxweynaha Mareykanka Mr Brack Obma islamarkaana ay ka wada hadleen Xaalada guud ee Soomaaliya.geele1-150x150