Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ugu Maqnaa dalka dibaddiisa ayaa ka hadlay Mooshin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay sheegeen in ay ka gudbinayaan Madaxweynaha.
Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Muqdisho Maalmihii la soo dhaafay uu ka soo yeeray wax uu ugu yeeray dhawaq siyaasadeed isagoo tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ra’yigiisa six or ah u cabiri karo.
“ waa ay wanaagsantahay in fikirka la cabiro balse meel iyo xilli lagu beego ayaa jirta marka waa in marka fikir la bixinayo meel ku haboon loo abaaro” ayuu yiri Madaxweynaha.
Inkabadan 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray Muqdisho ayaa dhawaan ugu baaqay Madaxweynaha in uu is casilo haddii kale ay ka gudbin doonaan Mooshin ka dhan ah.





