Al-Shabaab oo sheegtay dilkii shalay loo geystay C/kaafi Hilowle Cismaan Xoghayihii hore ee Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa waxa ay sidoo kale hanjabaad ujeediyeen maamulada Degmooyinka ee xilalkii laga qaaday.
Wakiilka Shabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal ayaa ku goodiyay inay bartilmaamedsan doonaan cid waliba oo shacabka reer Muqdisho dhibaato ugeysata.
Wuxuu sheegay in sidoo kale aysan ka baxsan doonin maamuladii Degmooyinka Gobalka Banaadir ee xilalkii laga qaaday oo hada aan wax xilal ah hayn.
Hadalka Shabaab kasoo baxay ayaa waxa uu walaac ku abuurayaa maamuladii hore ee Degmooyinka Gobalka oo hada xilal aan hayn, xitaa qaarkood aan haysan ilaalo.
Shalay ayeey aheyd markii Al-Shabaab ay dileen Xoghayihii Maamulkii Tarsan ee Gobalka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan, waxaana Shabaab ay sheegeen inay dili doonaan cid waliba oo dowladda ka tirsan.




