
Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka arrimaha dibedda ee Somalia ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladdiisa ay ka dalbatay baanka Horumarinta Afrika in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Sidoo Kale Wasiirka iyo wafdi uu horkacayo ayaa haatan ku sugan Tunisia halkaasi kulamo kula yeeshey madaxda Baanka Horumarinta Afrika iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa sheegey in Baanka uu wado qorsheyaal lagu taageerayo barnaamijyada dib u dhiska Somalia.




