Al Shabaab oo weeraray Degmada Ceelbuur

0
495

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Dagaal yahano hubeysnaa oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Dagaal ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa la sheegay in Dagaalkan ay dhowr jaho ka soo qaadeen iyadoona sidoo kale ay Madaafiic Culus ku garaaceen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugan Degmada Ceelbuur.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inkastoo uu Dagaalka Cuslaa hadana in ay iska caabiyeen Weerarkii Al Shababa waxaana intaasi ay ku dareen in amaanka Degmada Ceel-Buur uu degan yahay islamarkaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada huwanta ah.

Dagaalkan ka dhacay Degmada Ceelbuur ayaa waxuu baqdin geliyay tiro Shacab ah oo ku soo laabtay Degmada kuwaasi oo markoodii horeba ka cararay Dagaalkii halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Ururka Al Shabaab.

Sikastaba, Al Shababa ayaa maalmihii la soo dhaafay waxey bilaabeen Dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyadoona Saraakiisha Dowladda ay balan qaadeen in Al Shabaab laga saari doono guud ahaa Gobolka Galgaduud.download