Madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Federaalka Jeneraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud ayaa shalay (Isniin) hortagay Baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo looga weydiiyo fadeexad ka taagan kaararka aqoonsiga ee laga bixinayey magaalada Muqdisho.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horaantii bishan joojiyey bixinta Kaararka Aqoonsiga oo uu waday xafiiska Gaafow, kaararkaasi oo dadka lacago badan looga qaadayey ayuu Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci daro ah oo loo maray hab aan waafaq-saneyn dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Baarlamaanka ayaa su’aalo ka weydiiyey Jeneraal Gaafow bixinta kaararkan la joojiyey, isagoo sheegay in Xafiiskiisa uu u hogaansamay go’aankii kasoo baxay Baarlamaanka ee lagu joojiyey bixinta kaararkaasi.
Balse waxaa la yaab noqotay kadib markii uu Gaafow sheegay inay jiraan weli kaarar lasii sameenayo oo dhameystir lagu wado kuwaasi oo uu sheegay in horey loo diiwaangeliyey. Jeneraal Gaafow ayaa sheegay in la joojiyey diiwaangelinta kaararkii cusbaa balse ay hada dhameenayaan kuwii hore u diiwaangashaan, iyadoo aan weli go’aan laga soo saarin waxa laga yeeli doono dadka qaatay kaararka iyo lacagtii ka baxday.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in loo baahan yahay in dib loogu soo cesho lacagtii uga baxday kaararka aqoonsiga ah ama mustaqbalka loogu bedalo mid sharci ah oo aan laga qaadin lacag danbe, walow Baarlamaanka uusan arrintaasi weli go’aan kasoo saarin.
Dhinaca kale waxaa si weyn loogu dhaliilaa xafiiska socdaalka iyo Jinsiyadaha musuq maasuq baahsan oo salka kaasi oo markii horeba sabab u ahaa hirgelinta mashruucan kaarar bixinta iyadoo aan loo dajin hindsi sax ah oo waafaqsan dastuurka Soomaaliya.