Kadib Howl gallo ay xalay Ciidamada Maamulka Degmada Kaaraan ka sameeyeen Xaafado ku yaalla Degmadaasi ayaa waxa ay ku soo qab qabteen Waxyaabaha Maanka dooriyo iyo dadkii ka ganacsanayay.
Waxyaabahaan Maanka dooriyo ee ay ciidamada Ammaanka Degmada Kaaraan ku soo qabteen Howl galladooda ayaa waxa u soo bandhigeen Warbaahinta kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Calaq , Xashiis iyo Waxayaabo kale oo maan dooriyo ah.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow oo ugu horeyn Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in alaabo ay Ciidamadu ay u taagan yihiin ka hortagga wax waliba oo caqabad ku ah howlaha Maamulka degmadaasi iyo shcabka intaba.
Dhanka kale Saldhiga Degmada Kaaraan Gaashaanle Dhexe Bocor Xasan Cilmi oo isna Madasha ka hadlay ayaa ugu dambeyn carabka ku adkeeyay in Howl gallada nuucaani ah ay uga golleeyihiin sidii loo cirib tiri lahaa waxyaabaha Maanka dooriyo oo marka dadku isticmaalo miir dabooliya.






