Dagaaladaan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah Howl galka AMISOM iyo dagaalyahanno Hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa maanta mar kale ka dhacay deegaanno u dhexeeya Ceelbuur iyo sidoo kale Wabxo.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii halkaasi ay ka soo baxeen Ciidamo Ethiopian ah oo doonayay in wadada u furan Ciidamo kale oo Ethiopian ah oo sahay u siday Degmada Ceelbuur waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u culus oo dhexmaray Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa la Maqlayay Hubka fud fudud iyo kuwa Cul Culus oo dagaalka la isugu adeegsanayay , iyadoo inta la xaqiijiyay dagaaladaasi ay ku dhinteen 6 ka mid ah dhinacyadii dagaalamay kuwaas oo qaarkood la sheegay in meydadkooda ay yaalaan deegaanadii lagu dagaalamay.
Goob Joogayaal ku sugan halka lagu dagaamay ee u dhexeysa Ceelbuur iyo Wabxo ayaa shabelle u sheegay in xaaladdu ay tahay mid kacsan ayna Ciidamada Ethiopia Madaafiic nuuca BM-ka ah ay ku garaaceen deegaanada Dac iyo Daba Qurun ee Gobolka Galgaduud.




