Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Guriceel

0
507

Qaraxani oo ahaa Miino ayaa la sheegay in lagu Xiray Gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Candhameydlaha .

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday darawalkii gaarigaasi iyo Nin Caawiuyihiisa ahaa.

Qaraxa kadib ayaanu la xiriirnay Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed kaasi oo sheegay in uu ahaa mid ay ka dambeeyeen Al Shabaab islamarkaana ka dhanka sacabka aan waxba galabsan ee saarnaa gaariga qaraxa lagu soo xiray.

Si kastaba qaraxa kadib ayaa Howl gallo Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ka sameeyeen Degmada Guriceel waxa ay ku soo qab qabteen dad la tuhun san yahay In ay ka dambeeyeen qaraxaasi.