War saxaafadeed kasoo baxey xafiiska R/wasiiraha soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa waxaa lagaga hadley shirarka Baydhabo ka socdey iyo hakinta ay joojiyeen ciidamada Amisom,waxaana warsaxaafadeedku u qornaa sidan:-
xafiiska r/wasaaraha soomaaliya wuxuu dadka baydhabo iyo umada soomaaliyeed ugu baaqayaa in la joojiyo wax kasta oo nabadda wax u dhimaya.
Sidoo kale waa in shacabka gobolka Baydhabo sii wadaan wadahadalada u dhaxeeya bulshada,si nabad iyo xasilooni ku jirto.
Dawlada soomaaliya waxey ka hortageysaa wixii ay u aragto in aysan danta guud ku jirin,waxaanan ka codsaneynaa in ay dadka reer baydhabo isdajiyaan.
Warkan kasoo baxey xafiiska R/wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xili ay dadka reer Baydhabo mudaharaad ay kaga soo horjeedaan joojinta ay Amisom joojisey shirkii Baydhabo ka socdey ay ka dhigeen halka loo yaqaan A.D.C iyadoo dad ay ku dhaawacmeen,m/weyne Xasan Sheekhna uu amar ku bixiyey in la joojiyo shirarka Baydhabo ka socda…




