Xilwareejintii wasiiradii hore oo maanta qaar kamid ahi xilalkii la wareegeen.

0
527

Xilwareejintii ay ku kala wareegayeen wasiiradii hore ee xukuumadii saacid iyo kuwa cusub ee r/wasaare C/weli Shekh Axmed ayaa si habsami ah u socota,iyadoo kuwii ugu danbeeyey maanta ay xilka la kala wareegeen.

Waxaa maanta xilkiisa la wareegey wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Saalim Cali ibroow iyadoo ay jiraan wasaarado kale oo xilka la kala wareegay laakiin waxaa isa soo taraya dadka oo walaac ka muujinaya wasaaradaha oo hab qabyaaladeysan ayna wasaaraduhu noqonayaan goob qabiil la wareegey oo qabiil kale la wareegeyo.

Maahan markii ugu horeysey ee xil ay la kala wareegeen,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo wasaaraduhu ay maanta yihiin wasaarado qabiil ee aysan aheyn kuwo qaran.