Dab ayaa caawa ka qarxey degmada xamarweyne hotel ku yaala kaas oo lagu magacaabo hotel Al-hindi,gudoomiyaha degmada x/weyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal oo la hadlayey warbaahinta ayaa codsadey in gurmad dabdemis lala soo gaaro,isla markaasna laga caawiyo sidii loo hakin lahaa dabkaas ayaa sheegey in ay dabka la dagaalamayaan.
Waxaa joota noqdey dabka muqdisho meelo kamid ah ka qarxa iyadoo inta dabdemisyadu soo gaarayaan goobaha dabku ka kaco uu baabi’iyo hanti farabadan oo qiimo lacageed leh.
Maahan markii ugu horeysey ee dab ka kaco magaalada muqdisho dhexdeeda hase yeeshee wuxuu dabkani imanayaa iyadoo aaney jirin degmo qura oo heysata gaadiid dabdemis oo looga gaashaanto dhibaatada uu geysan karo dab marka uu qarxo ama uu kaco.




