Hey’adda EASA oo kulan u qabatey xisbiyo gaaraya labaatan ku dhawaad dalka soomaaliya ka jira.

0
473

Iyadoo muddo ku dhaw konton sano aaney dalka soomaaliya ka hirgelin xisbiyo siyaasadeed ayaa markii ugu horeysey waxaa dalka soo gaarey xubno ka socda hey’ad caalami ah oo magaceeda lagu soo gaabiyo EASA.

Hey’adan ayaa markii ugu horeysey waxey kulmisey xisbiyo labaatan ku dhaw si ay ugu sharaxdo hey’adu sababta ay dalka u yimaadeen iyo waxa ay xisbiyada u tari karaan ama ay kusoo kordhinayaan,iyadoo ay xisbiyadu dhageysteen warbixinta hey’adda ayaa waxaa kulanka ka hadley madaxda xisbiyada qaar kamid ah sida gudomiyaha xisbiga nabada iyo dimuquraadiyada Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo gudomiye kuxigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux timajilic iyo kuwo kale.

Madaxda xisbiyada ayaa soo dhaweeyey imaatinka hey’adda Easa,waxeyna ka warbixiyeen qaab dhismeedka xisbiyada iyo waxa ay xisbiyadu uga baahanyihiin hey’adda Easa,sida in laga taageero shirarka,qalabka qoraalada tababarada,iwm.

Gud.kuxigeenka xmjs Cali Max’d Nuux timajilic ayaa sheegey in xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uu shan iyo toban jirsadey uuna leeyahey dastuur iyo xeer hoosaadyo ay ku shaqeeyaan gudiyada xisbigu ka koobanyahey,waxeyna ka shaqeeyaan oo uu xisbigu ka hawlgalaa gobollo iyo degmooyin dalka gudihiisa ah,ayna haboontahey in xisbiyadu isbartaan xiriir wada shaqeyna yeeshaan,isla markaana la helo hey’ad wax ka dhaadhicin karta hey’adaha dawlada,si ay u ogaadaan in talada dalka la wadaago.