Shirkii stanbuul ay ku lahaayeen dawlada federalka somaliya iyo maamulka la baxey S/land oo lasoo gabangabeeyey.

0
605

Shirkii u dhaxeeyey dawlada federalka somaaliya iyo maamulka soomaaliland ayaa lasoo gabangabeeyey iyadoo shirka ay kasoo baxeen qodobo lagu heshiiyey.

Shirka qodobada kasoo baxey ayaa waxaa kamid ah in si wadajir ah loo cambaareeyo xukuumadii Max’d Siyad Barre dacadigii loo geystey somaliland iyo qodobo kale.

Kulanka labada dhinac ayaa u muuqda mid madadaalo ah oo shacabka lagu qaldayo iyadoo mar walba balan iyo qodobo magac u yaal ah laga soo saaro,waxaase iman doonta maalin aan la warwareegi kareyn oo xaqiiqdu hor imaneyso kuwa beenta iyo naxliga bulshada kala dhex dhigaya.

Shinka stanbuul ayaa imanaya xili la filayo in barlamaanka uu hor tago r/wasaaraha xukuumada cusub soo dhisey C/weli Sheekh Axmed,iyadoo barlamaanka gudiyadiisu maanta sheegeen in aysan waqti heynin loona baahanyahey in xukuumada barlamaanka la horkeeno.