Gudiyada barlamaanka soomaaliya oo go’aamiyey in xukuumada cusub barlamaanka la horkeeno Talaadada soo socota.

0
492

Barlamaanka soomaaliya gudiyadiisa joogtada ah ayaa kulan ay yeesheen waxey ku go’aamiyeen in la dadejiyo hawlaha barlamaanka,waxeyna sidoo kale sheegeen in berito la horkeeno barlamaanka barnaamijka xukuumada la soo magacaabey r/wasaare C/weli Shekh Axmedna uu barlamaanka horyimaado.

Xukuumada uu dhawaan ku dhawaaqey C/weli Shekh Axmed ayaa lagu kala aragti duwanaadey iyadoo dadka qaar soo dhaweeyeen halka qaar kalena ay sheegeen in aysan waxba soo kordhineyn,waxeyna xubnaha barlamaanku ku kala aragti duwanyihiin sida laga yeelayo xukuumada uu r/wasaare C/weli Shekh Axmed.

Xukuumada oo la filayo in maalin kadib barlamaanka la horgeeyo iyadoo maanta ay xildhibaano 145 xubnood kor u dhaafey ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan xukuumadan isku raranta ah,hase yeeshee maalinta Talaadada ah,waana laga yaabaa in kuwa hada sheegaya in xukuumada ay kasoo horjeedaan ay u codeeyaan dadkana ugu hormaraan,waana qaab lagu yaqaan xildhibaanada xilligan barlamaanka metela.