R/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed oo si rasmi ah ula wareegey xilka r/wasaaraha somalia.

0
487

R/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed ayaa si rasmi ah ula wareegey xafiiska r/wasaaraha soomaaliya,iyadoo uu xilka ku wareejiyey R/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon oo sheegey in uu ku faraxsanyahey xilwareejinta uu maanta oo bisha dicenber tahey 26 2013.

Sidoo kale r/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed ayaa sheegey in uu sii wadayo shaqo hore u socotey oo isna looga danbeyn doono uuna soo dhisi doono xukuumad ay shacabku ku kalsoonyihiin oo aqoon iyo waayo aragnimo leh.

M/weynaha jamhuuriyada Prof. Xasan Shekh Maxamuud ayaa isaguna gabangabadii sheegey in r/wasaaraha cusub uu la garab taaganyahey wixii aqoon iyo waayo aragnimo ah ee uu heley intii xafiiska uu uga soo horeeyey isagoo shacabka ka codsadey in ay taageeraan r/wasaaraha cusub iyo xukuumada uu soo dhisidoono.