Shirkadda xayeysiinta iyo suuqgeynta madia ee Najax oo ah shirkadii ugu horeysey ee sameysa (DIRECTORY BOOK) ayaa soo bandhigtey qiimaha page walba ee Yellow book muqdisho.
Madaxda company Najax ayaa sheegey in buugani kusoo kordhinayo wax weyn qeybaha ganacsiga lagana maarmi doono wax yaabo farabadan oo dib u dhac ku ah bilicda iyo ganacsiga casriga ah ee dunidu maanta isticmaasho.
Buugga directory ama yellow book waa buug hagaya qof walba oo uu gacanta u galo,waa buug aad ku xayeysiisan kartid ganacsigaaga adigoon artiste raadinta tabeeleyaal waddooyinka laga mudo,oo foolxumo ku ah bilicda magaalada muqdisho.
Buugan oo sanad walba soo bixi doona ayaa noqonaya mid aan waxba qiimahiisu u dhibeyn dadka macaamiisha ah uuna yahey mid aan qofna laga xigin oo bulshadu wada leedahey(Qofna ma dìido Qofna ma doono) directory book deriskaaga ha ahaado, nin dalkiisa joogiyo ninkii hadda soo degey,baahidooda wey dabooli.
Boogga directory ayey shirkada xayeysiinta iyo suuqgeynta media ee Najax waxey u heysataa ruqsad wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,iyadoo aaney cid kale soo saari karin iskuna hawli karin soo saarista buugan directory book ama yallow book muqdisho somalia.




