Gud./gobolka G/guduud Xuseen Weheliye Cirfo oo C/waaq lagu weerarey.

0
487

Gudoomiyaha gobolka galguduud Xuseen Weheliye Cirfo ayaa lagu weerarey degmada C/waaq ee gobolka galguduud,iyadoo ay ku dhinteen hal askeri ayna ku dhaawacmeen 4 kale.

Gudoomiyaha Cirfo ayaa la weerarey isagoo socda magaalada dhexdeeda kadib markii laga soo toogtey guri daaqadihiis isla markaasna laga waayey markii baaritaan lagu sameeyey,waxaana ciidamada amnigu sheegeen in ay ku dabajiraan soo qabashada dadkii ka danbeeyey weerarka loo geystey gudoomiyaha gobolka G/guduud Xuseen Weheliye Cirfo.

Waa markii ugu horeysey ee gudoomiyaha lagu weeraro degmo kamid ah degmooyinka uu gobolku ka koobanyahey,tan iyo goortii Cirfo loo magacaabey gudomiyaha gobolka G/guduud xiligii xukuumadii uu hugaaminayey r/wasarihii hore dr Saacid.