Wafdi uu hugaaminayo wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Xaaji fiqi ayaa gaarey deegaanka no.50 kaas oo beryahan ay isaga soo horjeedeen beelo wada dega gobolka Sh/hose.
Deegaanka NO.50 ayaa waxaa degenaa ciidamada dawlada iyadoo ay ka cabanayaan mid kamid ah beelaha ku dagaalamey gobolka sh/hose,waxaana wafdigaani ay u tageen no.50 in ciidamada dawlada laga dhaqaajiyo deegaankaan ay ciidamadu degenayeen,lamana sheegin halka loo rarayo ciidamada dawlada.
Waa markii ugu horeysey ee dawladu u haansato codsiga beel kamid ah beelaha soomaaliyeed,iyadoo dawlada laga rabo in ay kala dhex gasho oo ay kala badbaadiso qabaa’ilka is diriraya ee ku dagaalamaya dalka gudihiisa.




