Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ku Geeriyooday Muqdisho, Iyo Prof. Jawaari Oo Tacsi U Diray Eheladdii Uu Ka Baxay Xildhibaanka.

0
471

Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa XIldhibaannada Golaha Shacabka oo caawa ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Isagoona yirri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan hor iyo horaan doonayaa inaan halkaan tacsi uga diro anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka geerida naxdinta leh ee ku timid caawa Allaha u naxariistee walaalkeen Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa qoyskiisa iyo carruurtiisa,guud ahaanna dadka Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeynayaa Xildhibaankooda oo geeriyooday”

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Alle uga baryey Marxuumka geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,qoyskiisa,carruurtiisa iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeedna Alle Uu Ka Siiyo samir iyo iimaan.