Dagaal u dhaxeeya askar kawada tirsan dawlada federalka soomaaliya ayaa ku dagaalamey degmada marka ee xarunta gobolka sh/hoose,iyadoo dhawr goor ay sidaas oo kale u dagaalameen isla markaasna ay marka danbe qabiil salka dhigaan.
Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay askartu u dagaalameen ayna qabiil isu bedelaan isla markaasna dawlada dhexe faragelisey iyadoo shirar dib u heshiin ah muqdisho iyo marka lagu qabtey heshiisna lagu kala saxiixdey,waxaana sidoo kale laga bedeley ciidamada saraakiil hugaamineysey oo lala xiriiriyey ku lug lahaanshaha dagaaladaas marka ku soo noq noqdey.
Qasaaraha dagaalka maanta dhacey ayaa waxaa ku dhintey sida la sheegey ilaa 7 qof oo labo kamid ahi ay rayid yihiin halka shanta kale ay ka tirsanaayeen ciidamada dawlada federalka soomaaliya,waxaana dadka siyaasada odorosa ay tilmaamayaan in ay jiraan dad siyaasada uga faa’iideysanaya qaabab qaldan oo dadka iska hor keenaya isla markaasna ay marka mar uun dagaalo faraha looga gubto ka dhici doonaan laguna kala qaxi doono hadii aaney dadka deegaanku fahmin in colaad iyo qax aysan dan u aheyn,cid keligeed marka yeelan kartana ma jireyso,hadii awood kasta ay isu keenaan.
Maahan markii ugu horeysey ee marka lagu dhex dagaalamo hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo hada dalku xukuumad cusub dalku yeelan doono,isla markaana aan la ogeyn sida xukuumadaasi u hawlgelidoonto marka laga hadlayo gobolada dalku ka koobanyahey,waxaadna arkeysaa iyadoo la kala boobayo gobolada dalka.




