Ciidamo kawada tirsan maamulka jubaland oo israsaaseyn dhexmartey ay dishey labo qof.

0
545

Is rasaaseyn caawa dhexmartey ciidamo ka wada tirsan maamulka juba ee kmg ayaa waxaa inta la ogyahey ku dhintey 2 qof,ma jiraan cid ku dhaawacantey,ciidamada ayaa isku farasaarey xaafada calanley ee kismaayo.

Ciidamada ayaa waxey qaarkood baacsanayeen rag la sheegey in ay ka danbeeyeen dilka sarkaal sare oo lagu magacaabi jirey Cabdi Madoobe,taas oo keentey in ay rasaas furaan rag la sheegey in ay ahaayeen ilaalada jeneral Darwiish,waxaana markii danbe si iskeed ah u istaagtey rasaasti leys weydaarsanayey,waxeyna cabsi iyo khal khal gelisey dad rayid ah oo ka ag dhawaa goobta dagaalku ka dhacey.

Shacabka reer kismaayo ayaa nacey dagaalada waxeyna wadnaha farta ugu hayaan in dagaal dhaco mar kale,kuwaas oo salka ku haya qabiil qabiil iyo wixii lamid ah.

Dagaalada ka dhexdhaca ciidamada ayaa lagu arkaa marar ka qaar deegaano ay wada shaqeynayaan,waxeyna iyaga laftoodu salka dhigaan qabyaalad qolo qolo,dilka iyo iska hor imaadyada ayaa imanaya xili hugaamiyaha juba ee kmg uu magacaabey xubno wasiiro maamulka ah,isla markaasna ay diideen qaar kamid ah ragii isku magacaabey m/weyne ay leedahey juba,waxeyna ragani ahaayeen kuwo door iyo saxiix ku leh shirki jubooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gabangabeeyey,waxaana loo balansanyahey mid kale oo kismaayo ka dhaca insha allaah.