Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Raa’isal Wasaaraha cusub, ee la wareegaya Xafiiska Shaqada Wazaaradaha Iyadoona Uu Madaxweynaha, Raa’isal Wasaaraha cusub ku magacaabay Munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Wuxuuna Ra’iisul Wazaare U Magacaabay C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Munaasabadaani lagu soo magacaabay C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxaa ka soo qayb gashay marti sharaf kala duwan, oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Madax Kale.
Xasan Sheikh Max’uud Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore u yeeray C/weli Sheekh Axmed Maxamed, wuxuuna dejiyay Hotel Jazeera, oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gudaha Magaalada Muqdisho.




