Sarkaal lagu magacaabi jirey Cabdi madoobe oo caawa lagu diley kismaayo.

0
500

Allaha u naxariistee waxaa galabta maqribkii lagu diley sarkaal lagu magacaabi jirey Cabdi Madoobe,kadib markii uu kasoo baxey masjid uu salaada ku tukadey uu kasoo baxey.

Sarkaalkan ayaa sida la sheegey waxey aad isugu dhawaayeen hugaamiyaha kmg ee jubba Axmed Maxamed Islaam,waxaana beryahan kusoo badanaya kismaayo dilalka,iyadoo dhawaan dawlada federalku ay siisey maamulka juba bistolado farabadan taas oo loo qaadan karo in bistooladahaasi ay qeyb ku yeelan karaan dilalka juba ka dhacaya.

Maahan markii ugu horeysey ee dad lagu dilo kismaayo,waxeyse tani kusoo beegmeysaa xili kismaayo lagu dirirey oo ay dhawr madaxweyne kaga dhawaaqeen kismaayo gudaheeda,qaar kamid ah madaxweynayaasha kismaayo lagaga dhawaaqey ayaa kasoo horjeestey maamulka juba xubno kamid ah oo axmed madoobe ku dhawaaqey.