Askar keenyaan ah ayaa maanta mar kale lagu laayey xuduudka u dhaxeeya soomaaliya iyo kenya,waxaana wararka naga soo gaaraya libooye ay sheegayaan in rag ka tirsan alshabaab oo ka gudbey xuduudka soomaaliya ay laayeen askar ilaa shan askeri oo kenya u dhashey.
Gudoomiyaha deegaanka libooye soomaaliya ayaa sheegey in ay ogaayeen raga alshabaab ka tirsan ee xuduudka soomaaliya ka gudbeen ayna u sheegeen dawlada kenya haseyeeshee ay hadalkeena maqliwaayeen dilka askarta la laayeyna ay ku timid fashilaad iyo taagdaro ciidamada kenya iyo dawladooda ayey ku timid buu yiri.
Maahan markii koowaad ee ciidamo kenyaan ah lagu dilo ama lagu afduubto gudaha dalka kenya waxaana fuliya oo iyadoon leex leex laheyn sheegta dagaalyahanada xarakada Alshabaab oo hada ka dagaalama gudaha dalka kenya iyo soomaaliyaba.




