In kabadan lixdan qof oo lagu diley ismaamulka soomaalida.

0
190

Dagaal ka dhacey deegaanka dawlada soomaalida,ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 60 qof kuwaas oo ah dad rayid ah.

Ciidamada new policeka oo watey in ka badan sagaal tikniko ay oo ka kala yimid dhanka mustaxiil iyo qalaafe kuwaas oo laayey dadkaas rayidka ah,qaarkood waxey ahaayeen baa la leeyahey in ay beeraley ahaayeen,waxeyna dhanka kale ee ismaamulka soomaalida in dagaalku u dhaxeeyey Alshabaab iyo ciidamada ithiopia.

Maahan markii ugu horeysey ee dad rayid ah lagu laayo dawlad deegaanka soomaalida,waxeyse tani kusoo beegmeysaa xili maalmo ka hor lagu soo gabangabeeyo magaalada jigjiga ee dawlad deegaanka soomaalida maalinta qoomiyadaha ay ka koobantahey ethiopia.

Xildhibaan barlamaanka dawlada dhexe ka tirsan ayaa xaqiijiyey in xasuuqaasi in uu jiro taas oo keeni karta in xiriirka dawlada dhexe iyo kan dawlad deegaanka soomaalidu uu xumaado,maadaama ay soomaali wada yihiin,afrika iyo igadna ay soomaaliya iyo ethiopia ku wada jiraan.