Gudoomiyihii shabakadda warbaahinta shabeele iyo wariye Maxamed Bashiir xaashi oo mudo 21 cisho ah ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee muqdisho ayaa maxkamada gobolka banaadir la soo taagey,iyadoo lagu eedeeyey been abuur ayaa sidan loo kala xukumey.
1 gudoomiyaha shabakadda warbaahinta shabeele C/maalik yuusuf hal sano oo xarig la gadan karo .
2 wariye Maxamed Bashiir Xaashi lix bil oo xarig ah oo la gadan karo.
3 halka gabadha dhibanaha aheyd iyadana lagu xukumey lix bil oo xabsi debed joog ah libare biyeedi.
Qiimaha lacagta maalintii waa hal dolar waxaaney keentey gud. C/maalik Yusuf 365 dolar halka wariye maxamed Bashiir isna laga shubey lacag dhan 182.5 dolar iyadoo markii xukunka lagu dhawaaqeyba lacagta la shubey.
Waa markii abid kiis loo heysto wariyeyaal isla markaana wariyeyaal kale ay ku dacwiyayaan,marqaatina ay wariyeyaal yihiin uu gobolkan banaadir uu ka dhaco hase yeeshee kiiska ayaa dhinac kawata aano iyo colaad beri hore dhacdey,isla markaasna xitaa maxkamadu fahmi weysey go’aankaana ay ridey lana dhihi karo dagaalku halkaa kuma ekaan doono,sida ay sheegayaan khuburo saxaafadeed oo u kuur galey dhacdadan ugubka ah.




