Hugaamiyaha kmg ee maamulka jubba sheekh Axmed Maxamed Islaam axmed madoobe ayaa ku dhawaaqey qaar kamid ah maamulka jubba,iyadoo la dhihi karo wey daaheen oo mar hore ayaa loo baahnaa.
Qaar kamid ah aqoonyahanka iyo masuuliyiintii m/weynaha iyana sheegtey ayaa horyimid wasiirada la magacaabey waxeyna kala yihiin sidan:
m/weyne kuxigeenka 2’aad suldaan C/qaadir lugadheere.
1 wasiirka ganacsiga iyo warshadaha. Axmed Cabdi Xafiid.
2 wasiirka beeraha xoolaha iyo kaluumeysiga. Maxamed Aadan Jaamac
3 wasiirka Adeega bulshada. Maxamed Ibraahim Maxamuud.
(macalim maxamed).
4 wasiirka caafimaadka iyo Fayadhawrka. Xasan Daahir Yaroow.
5 wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga. Maxamed Nuur Iftiin.
(shambala).
6 wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga. Maxamed Warsame Faarax Darwiish.
7 wasiirka Maaliyada. Maxamed sheekh Yuusuf cumar(abuu yuusuf).
8 wasiirka macdanta biyaha iyo bii’adda. Cabdi Nuur Cali Aadan
waxaa iyana lasheegayaa in qaar wasiiro dawlayaal,w/kuxigeeno iyo agaasimayaal kale lagu dhawaaqi doono beryaha soo socda haddii alle idmo.




