0
493

Gudoomiyihii hore ee barlamaanki kmg ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegey isagoo afka maayga ku hadlaya in loo baahanyahey maamul ay leeyihiin gobolada baay iyo bakool,maadaama uu dalku qaatey nidaamka federalka.

Shariif Xasan Shekh Aadan ayaan muddo hal sano ah lagu arkin saaxadda siyaasada wixii ka danbeeyey markii laga guuleystey oo uu kabta la gediyey m/weynihii hore Shekh Shariif Shekh Axmed,hadda ayuuna seefta galka kala baxey isagoo doonaya in uu m/weyne maamulgobeleed koonfurgalbeed noqdo,wuxuuna inta badan ku qanciyey beelaha digil iyo mirif in ay wax ka raadsadaan xilalka m/weynaha iyo wasiirka koowaad haseyeeshee uu jawaari haabtey xilka gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo labo maalmood ka hor ka ambabaxey muqdisho ayaa isku deygiisu uusan aheyn markii ugu horeysey hase yeeshee warkan ayaa ku soo beegmaya xili aad moodo in digil iyo mirif ay ka hareen hankii ahaa in lix gobol leysku daro ayna yeeshaan hal maamul oo ka wada dhaxeeya.