Madaxda dalka ugu sareysa sida m/weynaha,gudoomiyaha barlamaanka iyo r/wasaaraha ayaa siyaabo isku mid ah tacsi tiiraanyo leh ugu direy shacabka,xubnaha barlamaanka,eheladii iyo qoyskii uu ka geeryoodey allaha u naxariistee Maxamed warsame Maxamed Feysal oo gaarigiisa qarax loogu xirey ku geeryoodey.
Xildhibaanka ayaa allaha u naxariistee waxa gaarigiisa oo maraya agagaarka madaxtooyada iyo xafiiska r/wasaaraha,waxaana mar qura la maqley qaraxa iyo xildhibaankii oo kala go’go’ay,isla markiina waxaa goobta soo gaarey ciidamada amniga iyadoo madaxdu amar ku bixiyeen in la soo caddeeyo kiiska dhacey ee xildhibaanka lagu weerarey.
Madaxweynaha gudomiyaha barlamaanka iyo r/wasaaraha ayaa alle uga baryey in xildhibaanka janadiisa uu ka waraabiyo umadda soomaaliyeed qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.




