Gabar macalimad ka aheyd Jaamacadda soomaaliya oo kooxo hubeysani toogteen.

0
459

Macalimad u dhalatey dalka kenya waxna ka dhigi jirtey Jaamacadda soomaaliya ayaa kooxo hubeysani ku dileen magaalada muqdisho,taas oo aan la ogeyn sababta ka danbeysa toogashada loo geystey haweeneydan macalinka ka aheyd mid kamid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalkeena soomaaliya.

Dilalka loo geysto dadka la bar tilmaameedsado ayaaney ku badneyn bahda waxbarashada ayaa hadda waxaa bilawdey tartan u dhaxeeya qeybaha waxbarashada,taas ayaana loo aaneyn karaa,macalimadan oo magaceeda lagu sheegey leyla,waxeyna wararka qaar sheegayaan in ay dalka ugandha u dhalatey,si kastaba ha ahaatee shan nin oo hubeysan ayaa toogtey gabadhan oo waliba ajnebi kale ay la socdeen balse aan waxba loo dhimin marka laga reebo iyada oo si gaara loo toogtey.

Maahan markii ugu horeysey ee la weeraro dad ka tirsan bahda waxbarashada iyadoo weerarkani ka dhacey wadada warshadaha,inta badan bulshada ayaana cabiraya in dilkani uusan aheyn mid siyaasadeed oo ay fuliyeen mucaaradka hubeysan ee kasoo horjeedo dawlada iyo inta taageerto sida Amisom kuwa la baxey.