Xildhibaano wada moshin ka dhan ah wasiiradii ka tirsanaa xukuumadii la ridey ee Saacid hugaaminayey.

0
518

Moshin cusub oo ka dhan ah wasiiradii ka tirsanaa xukuumadii hore ee la ridey uuna hugaaminayey dr Saacid ayey wadaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka oo gaaraya in ka badan 60 xildhibaan.

Moshinkan ayaa hadii uu meelmaro waxaa meesha ka baxaya wasiiradii ka weecdey lana shaqeyn diidey r/wasaarihii talada laga qaadey kuwaas oo dhamaantoo ka tirsan kooxda damul jadiid ee madaxweynaha gacansaarka la leh,waxeyna arintani muujineysaa in rididii r/wasaare Saacid aysan dhibaatadu halki ku harin.

Moshinkani hadii uu meelmariwaayo waxey noqoneysaa in xildhibaanada barlamaanku gacanta ugu jiraan rag gaar ah moshinkuna uu yahey mid ujeedooyin dhaqaale salka ku haya,waana sida ay qabaan dad badan oo u kuur galey hab dhaqanka barlamaanka soomaaliya ee waqtigan.

Moshinkan ka dhanka ah wasiiradii saacid la shaqeyn diidey ayaa waxaa laga hor sheegey m/weynaha,iyadoo gudoomiyaha barlamaanka laftiisu uu sheegey in xitaa isaga kursigiisa loo socdo uuna yiri cidii kursigeyga qabaw iyo raaxo u aragta hasoo doonato iyo erayo duurxul ah,mana aha markii ugu horeysey ee ay xildhibaanada qaarkood ay moshin keenaan iyagoo xildhibaanadu ilawsan hawshi qaranka horumarkeeda.