M/weyne Xasan sheekh oo soo dhaweeyey talaabada ay barlamaanku ku diideen xukuumada sii shaqeynteeda.

0
568

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya prof. Xasan Shekh Maxamu’d ayaa soo dhaweeyey kalsooni kala noqoshada xukuumada Dr saacid uu hugaamiyo,iyadoo barlamaanku ay maanta u codeeyeen xukuumada uu dr saacid r/wasaaraha u yahey.

Waxaana r/wasaaraha oo warbaahinta la hadley sheegey inuu ku qancayo waxa ay barlamaanku go’aamiyeen,wuxuuna sheegey in uu ogyahey waxa keeney moshinkan hase yeeshee uusan dooneyn in uu sheego wuxuuna soo hadal qaadey r/wasare Saacid in ay jireen wasiiro xukuumadiisa ka tirsan oo kasoo horjeestey balse uu ka xishoodey in uu ciqaabo,iyadoo uu awood u lahaa in shaqada uu ka joojiyo wasiir kasta oo ka horyimaada xafiiska r/wasaaraha ayuu yiri R/wasaaraha dhacey Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha ayaa sheegey in ay barlamaanku talaabo geesinimo leh qaadeen ayna xukuumadu sii shaqeyn doonto in laga keenayo xukuumad bedesha.

Waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo ay tahey markii ugu horeysey ee khilaaf lagu xaliyey dastuur iyo qawaaniinta dalka u taal,dhanka kale waxey tani keeni kartaa dib u dhac hawlo qaranku higsanayo.