Dagaallo mar kale ka qarxey duleedka baydhabo ayaa wuxuu dhexmarey dagaalyahanada xarakada alshabaab iyo ciidamada amisom oo ay taageerayaan kuwa dawlada federalka soomaaliya.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacey deegaan lagu magacaabo Wardheer,iyo goofguduud oo iyana duleedka baydhabo ku taal,waxaana lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ilaa iyo 6 qof iyadoo laga yaabo in khasaaruhu intaas ka badanyahey.
Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada xarakada Alshabaab ayaa warbaahinta u sheegey in ay saacado kooban la wareegeen deegaano badan oo duleedka baydhabo ah markii danbana ay isaga baxeen.
Dagaalladan kasoo cusboonaadey gobolka baay ayaa imanaya xili uu beryahan jirey khilaaf ay xubnaha barlamaanku soo gabangabeeyeen kuna eryeen xukuumadii uu hugaaminayey Cabdi Faarax Shirdoon (saacid).




