Xukuumadii Dr Saacid oo maanta daaqadda laga saarey.

0
495

Xukuumadii uu hugaaminayey dr Saacid ayaa daaqadda ka baxdey kadib markii barlamaanka ay soo xaadireen 250 xubnood,ayaa waxaa codeyntii u dhacdey 184 xildhibaan waxey diideen in xukuumadu sii joogto,halka 65 kale ay yiraahdeen xukuumadu hasii joogto,gudoomiyuhuna ma codeyn.

Markii gudoomihu natiijada ku dhawaaqey ayaa waxa uu hadalkiisii kusii darey xukuumada la ridey ayaa sii shaqeysaa inta xukuumad cusub laga keenayo.

Waa markii ugu horeysey ee is qab qabsiga madaxda sare ay xaliyaan xubnaha barlamaanka iyadoo waqtiyadii hore lagu kala bixi jirey dalalka deriska iyo kuwa ciidamadu dalka ka joogaan,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo laga dhaxley wax qabad la’aan iyo taariikh xumo.