Dagaal hor leh ayaa ka dhacey deegaanka Taleex kaas oo ay isaga soo hor jeedeen ciidamo ka amar qaata maamulka somaliland iyo kuwa khaatumo ee deegaankaas hore u maamulayey.
Dhawr goor ayaa waxaa soo noq noqdey dagaaladan u dhaxeeya s/land iyo khaatumo,wuxuuna midba midka kale ku eedeeyaa in uu dagaalka isagu bilaabey soona weerarey cid u kala garqaadana haba sheegin.
Maahan markii ugu horeysey ee ay dagaalamaan khaatumo iyo s/land hase yeeshee dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo s/land dhawaan ku eedeysey dawlada dhexe ee soomaaliya in ay ka shaqeyneyso burburinta jiritaanka S/land,ayna taas iska fogeysey dawlada dhexe ee xarunteedu muqdisho tahey.




