Dad maanta lagu diley meelo kala duwan oo muqdisho ka tirsan.

0
547

Gudoomiyihii maxkamada degmada yaaqshiid ayaa kooxo hubeysani toogasho ku dileen,allaha u naxariistee gudomiyaha maxkamada yaaqshiid oo lagu magacaabi jirey Sheekh Axmed ayaa kooxihii diley waxey ka baxsadeen goobti ay ku dileen.

Sidoo kale waxaa suuqa bakaaraha maanta lagu diley nin la sheegey in uu ka shaqeyn jirey Salaam somali bank,kaas oo isna la sheegey in ay baxsadeen kuwii toogashada ku diley.

Maahan markii ugu horeysey ee meelo kala duwan lagu dilo dad rayid ah kuwaas oo aan gacanta lagu dhigin,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo murankii ka dhexjirey xukuumada iyo madaxweynaha,isla markaana wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ay u muuqato mid iyaduna gashey is riix riixa u dhaxeeya madaxda dawlada soomaaliya.