Degmada C/waaq ee gobolka G/guduud ayaa markii ugu horeysey waxaa laga hirgeliyey koronto 24 saac ah,taas oo maanta xariga laga jarey.
Korontadan oo ay hirgelisey ganacsato isu tagey oo sameeyey shirkad la magac baxdey shirkadda korontada ileys ayaa waxa ay ku dhiiradeen mashruucan kaas oo dadka magaaladu aad u soo dhaweeyeen,qiimaha qof walba uu koronto ku heli karo ayaa ah mid macquul ah sida ay ku warameen madaxda shirkadda ileys oo ka hadlayey markii xariga laga jarayey mashruucan wax ku oolka ah.
Shirkadan ileys ayaa furitaankeeda waxaa kasoo qeyb galey madaxda iyo maamulka degmada ganacsato,odey dhaqameedyo,dhalinyaro iyo haween,iyagoo dhamaantood sheegey in ganacsatadii hawshan hirgelisey ay u mahad celinayaan allaah kasokow ayna tahey mid dadka deegaanka C/waaq uu ku diirsan doono.




