Qarax Qasaaro Geesty Oo Caawa Lagu Weeraray Ciidamo Marayey Suuqa Jaadka Ee Magaalada Jowhar.

0
479

Qaraxani Oo Noociisu Ahaa Bum,ka Gacanta Laga Tuuro ayaa Habeenimaddii Caawa lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada, Iyadoona Dhimasho Iyo dhaawacyo Uu ka soo gaaray Askar Iyo Dad Shacab Ah Waxaana Ka Mida Ah Shacabkii Ku geeriyootay mid ka mid ah haweenka ka ganacsada qaadka magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Ciidamaddii Lagu Weeraray Qaraxa Ayaa Waxa Ay Fureen Rasaas badan wax yar kadib markii uu qaraxa dhacay hase yeeshee lama sheegin in wax qasaare ah Uu ka soo gaaray Dadka Rayidka Ah Ee Goobta Ku Sugnaa Waxaana La Xaqiijiyey In Qaraxa Ay sidoo kale ku dhaawacmeen saddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro ka xamaalata suuqa jaadka waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar Oo Xaaladooda Caafimaad Lagu Dabiibayaa.

Ma jiro cid sheegatay Qaraxaani, hase ahaatee ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay.