Shacabka Reer Kismaayo Oo Cawasho Baahsan Ka Muujiyey Ciidamada Maamulka Juba.

0
512

Shacabka Reer Kismaayo Ayaa Waxa Ay Sheegeen Amnidarada Ka Taagan Jubba Iney Geystaan Ciidamada Uu Hogaamiyo Axmed Madowe Iyagoona intaasi Raaciyey In maamulka KMG ee Jubba ay masuul ka yihiin dilalka qorsheysan ee ka dhaca Halkaasi.

Sidoo Kale Wexey sheegayaan Shacabka Reer Kismaayo in Ciidanka Jubba ay masuul ka yihiin dilkii dhawaan Kismaayo loogu geystay Nabadoon Maxamed Nuur C/qaadir, kaasi oo Bartamaha Magaalada Kismaayo lagu toogtay Wexeyna cabasho Balaaran ka Muujinayaan Maamulka KMG ee Jubba oo xitaa La Sheegay In xafiisyadooda aan la tagi karin, hadii lagala xaajoon lahaa dilalka qorsheysan ee ciidankooda ay ka geystaan Kismaayo.

Cabashadani Ka Imaaneysa Shacabka Reer Kismaayo Ayaa Ku Soo Beegmeysa Xilli Axmed Max’ed Islaam {Axmed Madoobe} Hogaamiyaha Maamulka Jubba Uu ka maqan Magaalada Kismaayo, waxaana uu ku sugan yahay dalka Kenya, iyadoo ammaanka Magaalada muddooyinkaan dambe uu noqday mid xumaaday Balse marka uu Magaalada ku sugan yahay Axmed Madoobe Ayaa ammaanka uu yahay mid wanaagsan, saraakiisha ciidankana aysan geysan karin falal ka dhan ah amniga Shacabka.