Dab geystey khasaare hantiyadeed oo maanta ka qarxey isgoyska km4.

0
477

Dab geystey khasaare ba’an oo hantiyadeed ayaa ka qarxey agagaarka isgoyska No4 kaas oo burburiyey looto dhan oo guryo ganacsiga shidaal,qalabka gaadiidka iyo geerash gaadiidka lagu xareeyo iyo maqaayado lagu cunteeyo isugu jira.

Wararka kasoo baxaya halka dabku ka kacey ayaa sheegaya in labo boqol oo baabuurta raaxada ah ay dabkaas ku basbeeleen waxaa kaloo la sheegayaa in dabka demintiisa ay isku hawleen gaadiidka dab demiska hase yeeshee ay xakameyn waayeen waqtiyadii hore dabka ayaa markii danbe lagu guuleystey demintiisa wax dad ah oo wax ku noqdeyna lama soo sheegin.

Maahan markii ugu horeysey ee dab ka kaco meelo ganacsi iyo muqdisho dhexdeeda waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo gurmadka gaadiidka wax demiya iyo ciidamo ka hortaga bililiqada ay diyaar yihiin balse laguma guuleysan in khasaaraha la koobo lamana garanayo waxa uu ka bilawdey dabkan geystey khasaaraha faraha badan,inagoo u rajeyneyna dadka khasaaruhu gaarey in ay ku sabraan qadarka allaah una baryeyna allaah in uu wax kale oo ka kheyr badan ugu bedelo insha allaah.