Xildhibaanada barlamaanka soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni ah ku leh muqdisho kadib markii loo qeybiyey moshin ka dhan ah xukuumada dr Saacid iyadoo si hoose uu u socdo jeeb faruur iyo xod xodasho xildhibaanada la kala xod xodanayo.
Barlamaanka ayaa u balansan moshikan maalinta bisha novenber ay ku beegantahey 30ka oo ku aadan maalin Sabti hadii alle idmo,xildhibaano si hoose ay ula hadashey wakaalada wararka warsom ayaa u kala hadley siyaabo kala duwan waxeyna qaarkood sheegeen in xukuumadu soo noqoneyso oo aysan dhaceynin halka kuwo kale sheegayaan in aysan xukuumada saacid dib danbe loo arki doonin loona maqli doonin,duuduubna ay ku tageyso iyadoo ceebeysan.
Dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa iyaguna waxey leeyihiin madaxweyne xasan sheekh hadii ay xukuumadu dhacdo iyo hadii ay soo noqotaba sharaf uma ahan waana mid wiiqeysa sharaftii iyo heybadii uu bulshada ku dhex lahaa,xukuumada timaadaana ma noqondooto mid sidii saacid ka yeeli doonta waana xaqiiq in ay iska hor imanayaan.
Marka laga reebo warar sheegaya in madaxweyne xasan sheekh uu hadda la rabo in ra’iisalwasaare uu siiyo beesha shanaad uuna ra’iisalwasaare ka xulandoono hadii taasi dhacdo ra’iisalwasaaruhu waa iska cadyahey waana Faarax Shekh C/qaadir oo hada ah wasiirudawlaha madaxtooyada.




