Wafdi ay hugaamineyso ra’iisalwasare kuxigen ahna wasiirada arrimaha debedda fawsiyo oo shir beljimka uga qeyb geleysa.

0
475

Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa ku sugan Magaalada Brussels Ee Dalka Biljam,ka si ay uga qeybgalaan Shirka ay soo qabanqaabisay Midowga Yurub loogana hadlayo horumarinta caalamka.

Wafdigaani ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Madaxweynaha Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Xoghayaha Joogtada ee Arrimaha Dibedda Abdi Dirshe iyo mas’uuliyiin kale Iyadoona Shirkani Uu socon Doono muddo labo cisho Ah waxaana ka soo qeybgalayo Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socda caalamka Sidoo kalena waxaa ka soo qeybgaleysa Madaxa Midowga Africa iyo madaxda Midowga Yurub.

Marwo Fowzia ayaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doonta oo ay uga hadleyso sida Somalia ay ugu faraxsantahay hoggaanka EU ee arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ka codsandoonto caalamka in Soomaaliya ay manta mareyso marxaladdii horumarka oo loo baahanyahay in caalamka ay shaqo u abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed si dalka horumar dhab Ah Kaga Dhalato.