Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya prof.Xasan Sheekh Maxamu’d ayaa tacsi u direy madaxda iyo shacabka reer jabuuti isagoo uga tacsiyeeyey sarkaal reer jabuuti ah oo qaraxii b/weyne.
Madaxweynaha oo warbaahinta dawlada taageerta la hadlayey ayaa yiri waxaa loo diley loona dhaawacey kuwa kale ee reer Jabuuti waa maxaad dadka soomaaliyeed u taageereysaan oo aad u garab istaagteen,halka ay dagaalyahanada xarakada Alshabaab ay yiraahdeen maya sida uu sheegey Xasan Sheekh ee waxaan u qarxiney oo aan u weerarney waa taageerada iyo hiilka ay siiyeen ciidamada reer jabuuti gaalada dalka soomaaliya duulaanka kusoo qaadey.
Fekradaha laga qabo ciidamada Amisom ayaa ah mid kala bedelan dadkuna ku kala qeybsanyihiin,waana sida ay ugu kala aragtiduwanyihiin Xasan Sheekh iyo hugaamiyeyaalka Alshabaab sida ay ugu kala duwanyihiin.
Maahan markii ugu horeysey ee madaxda dawlada federalku ugu laab qaboojiso marka ay weerarada Alshabaab dhib kasoo gaaro nuucii iyo dawladii ay doonaan haka socdaane muslim iyo gaalba inta badana dadka soomaaliyeed ma jecla ciidamada shisheeye,xitaa kuwa shabaabka ka baqaya oo nafi bidey in ay gaashaan ka dhigteen ama gabaad ay uga dhuuntaan gantaalaha Alshabaab,wuxuuna hadalka m/weynuhu imanayaa xili ay ishayaan isaga iyo ra’iisalwasaarihii uu xushey mudo hal sano ahna soo shaqeeyey.




