Xarakada dagaalyahanada Alshabaab ayaa sheegtey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne maanta ka dhacdey kaas oo ay ku dhinteen 18 qof dad gaaraya ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 35 qof.
Afhayeenka hawlgalada abu muscab ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta afka shabaabka ku hadasha ayaa sheegey in ay saldhiga belelweyne ku weerareen wax uu ugu yeerey gaalo iyo murtadiin ayna ku laayeen,iyadoo wararka naga soo gaaraya beledweyne ay sheegayaan in weerarka dadka soo qaadey ay ahaayeen 10 nafti hure ayn kuligood halkaa ku dhinteen.
Maahan markii ugu horeysey ee ay dagaalyahanada alshabaab ay sheegtaan qarax dad badan galaaftey,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo uu khilaaf u dhaxeeyo m/weyne Xasan sheekh iyo r/wasare cabdi faarax shirdoon oo quus kala taagan.




