Ciidamada Amisom oo sheegey in ay saameysey hawlgalada Amisom khilaafka m/weynaha iyo ra’iizalwasaaraha.

0
502

Amisom ayaa sheegtey in ay ka xuntahey khilaafka madaxda sare ee dalka waxeyna sheegeen in khilaafkani uu saameynayo hawlgalada ciidamada Amisom.

Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xumad ayaa sheegey in generalka ugu sareeya ciidamada Amisom uu la kulmayo labada masuul isagoo dhexdhexaadin doona maadaama buu yiri aan loo baahneyn khilaafka waqtigan.

Waa markii ugu horeysey ee ay Amisom ka hadasho khilaafka m/weynaha iyo r/wazaaraha,waxeyna kusoo beegmeysaa xili la sheegayo in ciidamada ethiopia loo ogolaadey in ay kamid noqdaan ciidamada Amisom taas oo afhayeenka Amisom uu inkirey,sheegeyna in ciidamada la kordhinayo walina aan la sheegin dawladaha ay ka kala imanayaan.