Kulanki caadiga ahaa ee xukuumada soomaaliya oo muqdisho ka dhacey.

0
509

Shirka golaha xukuumada soomaaliya ayaa caadigiisii u dhacey iyadoo lagu meel mariyey xeerka ilaalinta badda soomaaliya wax loogu yeerey,taas oo u muuqata in lasoo celin rabo muranki badda soomaaliya.

Kulanka golaha xukuumada ayaan lagu soo qaadin muranki u dhaxeeyey m/weynaha iyo r/wasaaraha,lamana oga in waan waani socoto iyo in khilaafku halkiisi yahey,afhayeenka xukuumada Ridwaan Xaaji C/weli oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in xukuumadu soo dhaweyneyso go’aanki Qaramada Midoobey ay ku kordhiyeen ciidamada Amisom ee dalka gudihiisa ku sugan isagoo ula jeeda ciidamada ethiopia oo Amisom lagu darey.

Maahan markii ugu horeysey ee ay xukuumadu kulanto waxeyna xukuumadu kulantaa si caadi ah todobaadkiiba labo jeer iyadoon wali lagu guuleysan mid kamid ah waxyaabihii loo igmadey xukuumadda uu hugaamiyo Dr Saaacid.