Soomaali lagu weerarey dalka South africa iyo dhimasho ku timid qaarkood.

0
516

Dad soomaali ah ayaa lagu weerarey dalka south africa kuwaas oo qaarkood ku nafwaayeen weerarkan arxan la’aanta ah,soomaalida ayaa waxaa heysta weeraro joogta ah oo aan la ogeyn waxa ay salka ku hayaan naceybka soomaalida ay u muujinayaan dadka rer south africa kuwooda gungska ah.

C/hi yusuf kheyre oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in uu dhintey wiil ay walaalo ahaayeen labo kalena la dhaawacey kadib markii rasaas lagu furey wiilashan oo dukaankooda soo xirey iyagoo jooga dukaanka hortiisa wiigan dhexdiisa waa weerarkii sadexaad oo nala soo weerarey waxeyna hada adeegsanayaan hubka rasaastu ka dhacdo halkii hore ay u isticmaalijireen midiyo,seefo iyo iwm.

Maahan markii ugu horeysey ee soomaali la weeraro waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo soomaalidu aaney heysan safaarad awood leh oo u dooda dadka soomaalida ah ee laga waxyeelanayo dadka u shaqada tagey dalka south africa.