Dawladda federalka iyo maamulka puntland oo aduunka ka codsadey in gargaar lala soo gaaro dadka ay duufaantu wax yeeleysey.

0
175

Dawladda federalka wasaaradeeda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa ugu deeqdey meelaha ay dabeyluhu saameeyeen ee maamulada puntland iyo somaliland lacag dhan hal milion oo dolar.

Madaweynaha puntland c/raxmaan shekh maxamu’d faroole ayaa isaguna maanta ka codsadey caalamka iyo hey’adaha samafalka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka ay dhibaatadu ku dhacdey iyadoon hada xaga dhulka waxba laga gaarsiin karin oo roobab ay wax yeeleeyeen,loona baahanyahey in badda iyo hawada laga taageero.

Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa waxaa looga dhawaaqey in duufaanka ka dhacey meelo kamid ah gobolada puntland iyo s/land ay masiibo qaran tahey,iyagoo baaq gargaar caalamka ka dalbadey sheegeyna in lacag hal million ah ay xukuumadu u qoondeysey duufaanka meelaha uu ku dhuftey,lamana oga sida iyo halka ay u marineyso lacagta ay ku deeqdey.